WARARKA SOOMAALI

Laamaha amniga oo gacanta ku dhigay Gaari lasoo xaday iyo kooxdii wadatay oo…

Ciidanka Booliska dowlad Goboleedka Puntland ayaa xalay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhinaca Maamulkaas ku qabtay gaari laga soo xaday degmada Galdogob ee Gobolka Mudug.

War kooban oo ka soo baxay Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Mudug, ayaa lagu sheegay in gaariga la soo xaday iyo kooxdii wadatay ee burcada lagu qabtay gudaha magaalada Gaalkacyo.

Hawlgalka lagu qabtay gaarigaas ayaa waxaa fuliyay Booliska saldhiga Galbeed ee Gaalkacyo, sida lagu sheegay warka, waxaana la tilmaamay in laamaha amniga ay baaritaano ku wadaan burcada dhaca geystay.

Taliska Booliiska Gobolka ayaa soo Bandhigay gaariga oo noociisu yahay midka yar ee lagu qaado raashinka iyo agabyada kale ee fudud, waxaana haatan uu ku jiraa gacanta Booliska, inkastoo aysan muujin sawirada dadka lagu qabtay gaarigaas.

Si kastaba laamaha amniga dowlad Goboleedka Puntland ayaa horey sidaan oo kale u soo Bandhigay gaadiid ay xadeen koox hubeysan, waxaana xusid mudan in gaadiidkaas dib loogu celiyay dadkii lahaa ee laga xaday.

SOMALI NEWS

To Top