WARARKA SOOMAALI

Saldhigii u dambeeyey ay lahaayeen Sirdoonka Mareykanka oo la burburiyey

Milliteriga Maraykanka ayaa waxaa ay burburiyeen Saldhigii u dambeeyey ee ay Hay’adda Sirdoonka ee CIA ku lahaayeen duleedka Garoonka diyaaradaha Magaalada Kabul, si aysan Daalibaan ula wareegin Dhismahaasi.

Saldhigaasi oo lagu magacaabo Eagle Base ayaa waxaa lagu burburiyey Miinooyinka qarxintooda la maamulo (A controlled detonation).

Saldhigaasi oo furnaan 20-kii sano ee la soo dhaafay waxaa adeegdan jirey Tababarka Ciiddanka Afganistan ee La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada. Saraakiisha Hay’adda CIA-da wey ka gaabsadeen inay ka hadlaan Burburintaa Saldhiga Eagle Base.

Balse Warar ayaa sheegayo in looga dan lahaa si loo burburiyo Qalabka iyo Dukumentiyada yaallay Dhismaha Saldhigaasi oo dhulka lala ismay Khamiistii la soo dhaafay.

Jimcihii la soo dhaafay, Qaraxyo ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Hamid Karazai International Airport ee magaalladda Kabul waxaa ku dhintay in ka badan 170 qof oo 13 ka mid Askar Maraykan ahaayeen.

SOMALI NEWS

To Top