WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Sanbaloolshe oo shaaciyay sababta loo diiday Safarka Guudlaawe ee…

Taliyihii hore ee Hay’adda NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo la hadlay TV-ga Universal waxa uu sheegay in heshiis laga gaaray ciidankii gadoodka ku qabsatay Xarunta Gobolka ee diidanaa safarka Madaxweyne Cali Guudlaawe.

Kulamo saacado qaatay oo u dhaxeeyay Odoyaasha dhaqanka, Siyaasiyiinta & mas’uuliyiin ayaa lagu go’aamiyay in Ciidankii la magac baxay “Badbaadada Hiiraan” laga saaro goobihii ay qabsadeen si looga baaqsado dagaal dhexmara ciidamada.

Sababta diidmada safarka Madaxweynaha DG Hir-Shabeelle ee Magaalada Baladweyne waxa uu ku sifeeyay tabashooyinka laga qabo hab dhismeedka loo maray Dowlad-Goboleedkaas, balse waxa uu sheegay in lagu garab maray in dedaal ay wadeen si Cali Guudlaawe uu Magaalada u tago loogana hadlo cabashooyinka jira.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Ugu dambeyn Sanbaloolshe ayaa tilmaamay in wax dhib ah ku jirin safarka Cali Guudlaawe ee Magaalada Baladweyne si is faham looga gaaro tabashooyinka ka jira hab maamulka Dowlad-Goboleedkaas.

SOMALI NEWS

To Top