WARARKA SOOMAALI

Kulankii Baarlamaanka oo sabab yaab leh u baaqday iyo buuq siyaasadeed oo taagan…

Muqdisho (HM)-Waxaa maanta Isniin ah mar kale baaqday kulankii 1-aad ee Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya ee Kalfadhigiisa 5-aad, iyadoo Xldhibaanada saqdii Dhexe ee Xalay loo diray fariin lagu ogeysiinayo inaanu jirin kulan.

Sida wararku sheegayaan sababta baaqashada kulanka ayaa la xiriirta cabsi Guddoonka baarlamaanka ay ka qabaan inuu buuxsami waayo Kooramka uu ku furmi lahaa kulanka maanta, iyadoo xuuraansi ay sameeyeen Guddoonka ku ogaadeen in Xildhibaano badan in aanay imaaneyn kulanka haddii la furo, taas bedelkeed ay kulanka baajiyeen.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa mar kale shalay shaaciyay ajandaha looga doodayo kulanka, kaasoo ahaa ajandihii Sabtidii la soo dhaafay ku bilowday buuqa iyo sawaxanka oo Xildhibaanada ay ka soo horjeesteen.

Ajandaha weli taagan ayaa ah dhageysiga warbixinta Guddiga dib u eegista Dastuurka, waxaana Xildhibaanada badankood qabaan in aanay ajandahaas munaasab aheyn xilligan, loona baahan yahay in laga doodo xaalada amniga ee dalka, gaar ahaan tan Muqdisho oo sii xumaaneysay muddooyinkii u dambeeyay.

Xildhibaan C/risaaq Axmed Maxamed (Jindi) oo katirsan Baarlamaanka ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay inay jirto maamul xumo baahsan oo dhinaca Guddoonka baarlamaanka ah, taasoo sababtay inuu wali furmi la’yahay Kalfadhiga 5-aad kulankiisa 1aad.

Waxaa uu sheegay in xubnaha Xukuumadda ee hay’ada Sharci dejinta ka tirsan aysan dooneyn inay yimaadaan kulanka si fadhiga loo gudo galo, taasoo uu ku sababeeyay in aysan u dulqaadan karin dhageysiga dhaliilaha Xukuumada ee dhinaca Amniga.

Kalfadhigan 5-aad oo Madaxweynaha uu furay 27-kii bishan ayaa wali waxaa la suurta galin la’ furitaankiisaa kulanka 1-aad, iyadoo arrintaa ay banaanka u soo saareyso habacsananaanta ka jirta shaqadii laga rabay hay’ada Sharci dejinta.

SOMALI NEWS

To Top