WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Soomaliland Xisbi Mucaarad ah oo weerar ku qaaday Dowladda Jabuuti-Video

Hargeisa ( HM ) Xisbiga UCID ayaa si kulul uga hadlay Wararka sheegaya in Ganacsade Axmed Cismaan Geelle oo u dhashay deegaanada Somaliland la doonayo in loo dhiibo Dawladda Jabuuti.

Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax Xoghayaha Arimaha Gudaha ee Xisbiga UCID ayaa si adag u weeraray Dawladda Jabuuti isagoo ku sifeeyay Cadowga koobaad ee Somaliland, Wuxuuna xusay Inay Hortaagan tahay gooni isku taaga Somaliland islamarkaana uu Aqoonsan yahay Muqdisho.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wuxuu siwayn u dhaliilay Xukuumadda Somaliland, Isagoo arintaasi Sidoo kale ku eedeeyay inay Qayb ka yihiin Arintan, Wuxuuna sheegay in Kiiska lagu haysto Ganacsadaha uu yahay Mid khalad ah.

“Waxaan soo Qaadanayaa maah-maahidii Maxamed Ibraahim Cigaal Jabuuti ku yidhi, TAKARTII Maroodigta Fuushay , ee ku Tidhi is adkee waan duulayaa, ee Maroodigii ugu Jawaabay kuma ogayn inaad isaaran tahay, Waxaanu leenahay Maroodigaas baan nahay Takareey duul ama Joog.”

Kiis Madani ah meelkasta wuu ka dhacaa, Halka uu ka dhacay ayaa lagu Qaadi karaa. Ayuu hadalkiisa raaciyey.

Arintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Arab ay siwayn uga soo Horjeesteen Habaynkii xalay in Ganacsadaha loo gacan geliyo Dawladda Jabuuti.

SOMALI NEWS

To Top