WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Dibadbaxyo rabshado wata oo maanta ka dhacay Muqdisho-Video

Muqdisho (HM) – Dad u badan dhalinyaro ayaa waxaa Maanta ay banaanbax ka dhigeen qaar ka mid ah Isgoysyada waaweyn ee magaalada Muqdisho, iyaga oo cabasho ka muujinaya darawal Mooto Bajaajle ah oo la dilay.

Askari ka tirsan ciidamada Dowladda ayaa agagaarka Isgoyska Dabka waxa uu ku dilay darawal Mooto Bajaajle ah, isaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dadka banaanbaxa dhigaya oo u badan Darawalada Mooto Bajaajka ayaa markii hore waxa ay ku banaanbaxeyn Isgoyska dabka, hayeeshee Ciidamada Booliska Saldhiga Waaberi ayaa rasaas kusoo kala Eryay.

Goordhow ayaa waxaa ay banaanbax ka bilaabeen Isgoyska ceelgaabta ee degmada Xamar Jajab, waxaana Wadada bartankeeda ay ku gubeen taayaro Waaweyn.

Waxaa hakad ku jira isku-socoka Gadiidka noocyadiisa kala duwan oo isticmaali jiray Isgoyska Ceelgaabta.

 

SOMALI NEWS

To Top