WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Dowladda Soomaaliya oo shaqada ka caydhisay masuul tageeray xidhiidh lala yeesho Israel-Video

Muqdisho (HM)-Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee DFS, Axmed Ciise Cawad ayaa la sheegay inuu  shaqada kacayriyey  C/llaahi  Axmed Dool oo ahaa Agaasimihii Xafiika Wasiirka, kadib, markii uu Sarkaalkaasi bartiisa Twitterka ku soo qoray Qoraal uu ku taageerayo inay Somalia xiriir la yeelato Israel.

C/llaahi Dool waxa uu Twitter-kiisa k uqoray inaysan diplomaasiyad ahaan wax dhibaato ah la lahayn inay Somalia xiriir Diplomaasiyadeed la yeelato Israel, wuxuuna sheegay inay danteenu tahay inaan soo dhaweyno Israel.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxa kale oo uu Qoraalkiisa ku xusay inay  Shacabka Reer Falastiin yihiin dad khasaaray,  gaar ahaan Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee XAMAAS  oo uu ku tilmaamay inay afduubteen dadkooda ku nool Qasa.

Dhinaca kale, Boqolaal qof ayaa waxay baraha Twitter-ka si kulul ugu naqdiyeen qoraalkii C/llaahi Dool, iyagoo sheegay  inay arrintaasi tahay Fal Maangaabnimo, isla markaana aysan marnaba Ummadda Soomaaliyeed raalli ka noqon karin in  wax xiriir Diplomaasiyadeed lala yeesho Israel.

SOMALI NEWS

To Top