WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Fadeexadii imaaradka ka raacday Jabuuti iyo Ismaaciil Cumar Geelle oo kashifay-Video

Hargeisa  ( HM) Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadlay khilaafka iyo dacwadda u dhaxeysa Dowladda Jabuuti iyo Sharikadda Dekadaha Dubai.

Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in DPWorld iyo Jabuuti ay heshiis galeen markii ugu horreysay kaddibna ay dhameysteen qodobadii ay ku heshiiyeen.

Mr Geelle ayaa sheegay in markii Jabuuti iyo DPWorld heshiiyeen deymihii la galay la wada bixiyay, markii ay Jabuuti damacday in heshiiskaas dib u eegis lagu sameeyana ay diideen sidaasna dalka looga saaray.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Waxaa uu sheegay in Sharikaddan markii hore la dhihi jiray Dubai Ports Adduunkana ay Jabuuti bartay, haddana ku fideen meelo badan oo ka mid ah dekadaha Caalamka.

Mr Geelle ayaa intaas ku daray in Dekadaha Imaaraadka ay ka hooseeyaan kuwa Bariga Afrika sidaas darteedna DPWorld ay diideyso in kuwa Afrika ay horumaraan sidaasna heshiisyo ugula wareegeyso dekadaha geeska afrika si kuwooda aysan u shaqo gabin.

Shiradda DP-World ayaa Heshiishyo halis badan ku xeeran tahay Waxay kula wareegtay dekedda badan, kuwaasi oo Dhaqaalihii kasoo bixi Jiray Jeebka ku shubato, Sidoo kalana ay ku ilaalinayso Danaha iyo Suuqa Dekedda Imaaraadka uu leeyahay.

SOMALI NEWS

To Top