WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Kulan Xasaasi ah oo dhexmaray Madaxweynaha Puntland iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka-Video

Garoowe (HM)-Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa xalay magaalada Garowe kula kulmay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo ay shalay gaareen magaaladaas.

Madaxweyne Deni oo uu wehliyay Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Karaash ayaa waxay ka wada hadleen arrimo la xiriira wada shaqeynta Golaha Shacabka iyo Golaha Wakiilada Puntland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa waxay ka qeyb galayaan Munaasabadda 1-da Agosto ee sanad-guurada 21aad ee aas aaska Maamulka Puntland.

Guddoomiye Mursal ayaa noqonaya Mas’uulkii ugu sareeya ee ka socda dowladda Federaalka oo ka qeyb geli doona munaasabada 1-da Agosto.

SOMALI NEWS

To Top