WARARKA SOOMAALI

Khayre oo la kulmay Wiil baxsad ka ah Ciidamada maamulka Puntland oo raadinaya-Sawiro

Dhuusamareeb (HM) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa guriga uu ka dagan yahay Dhuusamareeb ku qaabilsay Maxamed Cabdullaahi Darwiish oo baxsad ka ah ciidamada ammanka ee maamulka Puntland.

Wiilkan dhalinyarada ah ee la kulmay Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay inuu isaga soo tagay xaafaddii uu ka daganaa Waqooyiga magaalada Gaalkacyo, kadib markii uu ka war helay inay baadi goobayaan ciidamada Puntland ee ka howlgala gudaha magaaladaasi.

Sidoo kale wuxuu xusay in cabsi darteed uu u soo hayaamay, islamarkaana u yimid magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa xog wareystay Darwiilsh, sida ay tahay xaaladiisa, isaga oo u ballan qaaday inuu garab istaagi doono.

Maxamed Cabdullaahi Darwiish ayaa ka mid ahaa dhalinyarada sida weyn Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya dhawaan ugu dhaweysay garoonka kubadda cagta Cawaale oo ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Puntland oo ka carootay booqashadaasi ayaa horay u xirtay xubno ka mid ah guddiga dhismaha waddada Boosaaso, kadib markii la sheegay in ay lacag ka guddoomeen Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre.

SOMALI NEWS

To Top