WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Soomaliland oo Xabsiga dhigtay 4 Wariye iyo xiisad ka taagan-Video

Hargeisa  ( HM) Ciidamada Booliska ee Somaliland ayaa maanta magaalada Hargeysa ku xidhay afar wariye oo ka tirsan telefishanka Eryal, oo isaga Laftiisa Horay Xukuumaddu Xayiraad u saartay.

Wariyeyaasha la xidhay ayaa kala ah Badri Koosaar, Cabdiraxmaan Fantastic, Caydaruus Maxamed iyo Sawir qaade Kamaal.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ciidamada Booliska ee Somaliland weli may sheegin sababta keentay xadhiga wariyeyaashan oo ka Howl geli Jiray Telefishinka eryal.

Horay waxaa Somaliland ugu xidhnaa Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon kadibna Xukun lagu riday, Sidoo kale waxaa dhowaan la xidhay Wariye Maxamed Yuusuf Bakayle.

SOMALI NEWS

To Top