WARARKA SOOMAALI

Kooxda Xasaradaha adduunka oo Soomaaliya uga digtay Dabino halis ah oo uu qoolayo Sucuudigu-Akhriso

Muqdisho (Horufadhi News)-Kooxda xasaradaha Adduunka ee magacooda loo soo gaabiyo ICG ayaa ka digay in khilaafka u dhexeeya dowladaha khaliijka Carabta inuu saameyn ku yeesho degenaanshaha Soomaaliya.

War ka soo baxay Kooxda ICG ayaa loogu baaqay Siyaasiyiinta Soomaalida inay joojiyaan inay lakala jirsadaan dhinacyada isku haya khilaafka ka taagan Khaliijka, sida Isbaheysiga Sacuudiga hoggaamiyo iyo dowladda Qatar.

ICG ayaa sidoo kale sheegtay in khilaafka Khaliijka ay khatar gelin karto qalalaasaha isa soo taraya ee Soomaaliya gudaheeda ka jirta, sida Muqdisho iyo deegaanada maamulka Somaliland.

Muddo sanad ayaa ka soo wareegatay markii Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, baxreyn iyo Masar ay xiriirka u jareen dowladda Qatar, isla markaana ku soo rogay xayiraado.

Ururka Xasaradaha caalamka ayaa ku baaqay wada hadal dhexmara dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, kaddib markii labada dal uu xiriirkooda mugdi soo dhex galay, kaddib tallaabooyin ay qaaday dowladda Soomaaliya oo ay ka carootay Imaaraadka Carabta.

Waxaa ay sheegeen in xasilooni darro dheeri ah oo ka dhacda Soomaaliya in ay ka faa’iidi karaan Kooxaha la dagaalama dowladda Soomaaliya ee jihaad doonka ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa mowqif dhex dhexaad ka qaadatay khilaafka Khaliijka, inkastoo Maamul goboleedyada taageersan Sacuudiga iyo Imaaraadka ay ku dhaliileen inay dhinac la jirsatay oo ay Qatar xigsatay.

 

SOMALI NEWS

To Top