WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Guurtida Beesha Habar-yoonis oo soo saaray go’aamadii ugu cuslaa, Colaada Ceel-afweyn iyo Dhaliisha Muuse Biixi-Video

Laascaanood (Horufadhi News)-Waxaa weli taagan Xiisada Ceel-afwayn iyadoo Halkaasi uu dagaal khasaare kala duwan gaystay ku dhexmaray Beelo wada dega deegaankaasi, Waxaana Hadalo kulul Warbaahinta hada isku marinaya Madax dhaqameedka Labada dhinac.

Suldaan Siciid Yuusuf Xaaji Suldaanka Beesha Biciido (Habarjeclo) ayaa si kulul uga hadlay hadal kasoo yeedhay Boqor Faysal, Wuxuuna sheegay in Dhinaca kale ay dagaalka u dhan yihiin, Wuxuuna ka hadlay arimo kala duwan.

Xukuumadda Somaliland Weli kuma guulaysan inay Xal ka gaadho Colaadaasi oo soo Noq-noqotay, Waxaana hada Muuqata inay Madax dhaqameedkii demin laha.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dhanka kale Guurtida iyo dhamaan inta badan Jilib culustii Beesha Habar-yoonis oo maalmahan ku shirsanaa Degmada Ceerigaabo ee Gobalka Sanaag ayaa soo saaray Go,aamadii ugu adkaa ee xaalada Dagaalka deegaanka Ceel-afweyn.waxgaradkan ayaa xukuumadda Muuse Biixi dhaliilihii ugu cuslaa dhabarka u saaray isla markaana waxaa ay ku dureen in uusan dagaalkaas iyo coladaas waxba ka qaban oo uu gacan tugaaleeyay sida ay hadalka u dhigeene.

 

SOMALI NEWS

To Top