WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Soomaliland Maayar ku xigeenka Hargeysa oo Calankii Somaliland iska tuuray, Soo dhigtay Calanka Dalka Itoobiya-Video

Hargeysa (Horufadhi News)-Maayar ku xigeenka Magaalada Hargeysa ee Somaliland Maxamuud Xaashi Caga-weyne ayaa Calanka Itoobiya waxaa uu soo dhigtay Hortiisa kadib kulan uu la lahaa iskaashatooyinka Gaadiidka Iska rogooyinka ee Magaalada Hargeysa.

Maxamuud Xaasha Caga-weyne oo Gudiga iskaashatooyinka Gaadiidka Xamuulka ah ee qaada Dhagaxa iyo qalabka dhismayaasha kulan kula lahaa xarunta Dowladda Hoose ee Hargeysa ayaa waxaa umaddii amankaag ku noqotay ujeedka uu Calanka Itoobiya u garab dhigtay Calanka Somaaliland ,iyada la arkayey in Calanka itoobiya uu kaba soo horeeyo Calanka Somaliland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dadka inta badan Baraha Bulshada wax ku qora iyo Warbaahinta Somaliland ayaa aad u qaadaa dhigaya arrintan oo ay ku sheegeen mid meel ka dhac ku ah Qaranimadda Somaliland waa sida ay qoreene,waxaana ay sheegeen in ralaabo sharciga waafaqsan laga qaado Maayar kum xigeenka Somaliland.

Dhacdadan yaab badan ma leh sababtoo ah intaas Hargeysa,Garoowe iyo Meello kamid ah dhulka Maamuladda Soomaalida waxaa ka dhaca intaas arrimo lamid ah kuwan oo kale ,in kasta oo Somaliland ay aad ugaga sii xagjirto u jab jabnaanta iyo u xaglinta Itoobiya.\

SOMALI NEWS

To Top