WARARKA SOOMAALI

Akhriso:-Sh.Muqtaar Roobow Abu Mansuur oo Sanadkan soo Cumreysanaya kadib sanado badan oo uu Shabaab ahaa-Warbixin

Muqdisho (Horufadhi News)-Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansoor oo mar kamid ahaa Hogaanka ugu sareeya Ururka Al Shabaab balse bilo kahor kasoo baxay kooxdaasi ayaa markii ugu horeesay uga baxay safar dalka dibadiisa.

Abuu Mansuur ayaa sida aan wararka ku heleyno u dhoofay dalka Boqortooyada Sacuudiga, waxaana warar aan helnay sheegayaan in Abuu Mansuur Sacuudiga u aaday si uu usoo cumreysto.

Wadaadkan oo Al Shabaab dhaxdiisa si weyn looga qadarin jiray ayaa go’aansaday in uu kooxdaasi kasoo baxo wadahadalana la galo Dowlada Soomaaliya, waxaana ugu dambeyn Abuu Mansuur iyo Dagaalyahano uu watay dagaal la galeen Al Shabaab.

Dowlada Mareykanka ayaa horey uga saartay Abuu Mansuur Liiska kooxaga loogu yeero argagaxisada, waana mida fududeesay in Abuu Mansuur isku soo dhiibo dowlada Soomaaliya una safro dalka dibadiisa.

Saraakiil sar sare oo horey uga soo baxay Al Shabaab ayaa hada kunool dalka dibadiisa oo laga siiyay magangalyo, halka kuwa kalana Dowlada xilal u magacawda qaarkoodna ku jiraan Taliska sare ee Hay’ada Nabad sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya.

Abuu Mansuur ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay u dhaxeeyay magaaalada Muqdisho iyo magaalooyinka Xudur iyo Baydhabo, mana jiro ilaa hada wax xil ah uu ka hayo Abuu Mansuur dowlada Federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeed.

 

SOMALI NEWS

To Top