WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Puntland oo ka cadhootay Lacagtii Dowladda Soomaaliya ugu deeqday Soomaliland-Video

Garoowe (Horufadhi News)-Wasiirka Arrimaha Gudaha maamul Gobaleedka  Puntland Cabdullahi Cali Xirsi (Tima-cadde) oo warbahinta la hadlay ayaa sheegay in lacagta 1malyan ee Dowladda Faderalka Soomaaliya ugu yaboohday dhibaatadii ka dhacday degaanadda Xeebaha badda cas Dadkii waxyeeladu kazoo gaartay in ay tahay sharci daro.

Wasiirku waxaa uu sheegay in lacagtaas aan loo marin hab sharci ah,waxaana Puntland u aragtaa in la siiyey Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muse Biixi ,si uu hub ugu iibsado kadibna ku waxyeleeyo Shacabka Goboladda Sool, Sanaag  iyo Cayn.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wasiir Tima-cadde waxaa uu yiri ” Dhibatadu waxay samaysay xeebaha badda cas oo idil,Puntland shacabkeeda waxaa kazoo gaartay xataa khasaare hanti badan oo doonyihii la dageen,mana jirto wax taakulayn ah oo Puntland kazoo gaaray Dowladda Faderalka Soomaaliya,puntland kama xuma in dad dhibataysan la caawiyo lakiin waxay ahayd in la marsiiyo meelaha muhiimka ah sida hay’adaha Khayriga ah,tan waxaan u agarnaa in Muuse Biixi loogu deeqay ,arrintaa waan canbaraynaa.” wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland.

Dawladda Soomaaliya ayaa maalintii Shalay Lacag Halmilyan ah ugu deeqday dadka Ay Duufaantu Saamaysay  gaar ahaan Gobolada Awdal iyo Waqooyi Galbeed.

 

SOMALI NEWS

To Top