WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Soomaliland Muuse Biixi oo nabad ugu baaqay Puntland ,wuxuu sheegay maanta inaan Dagaal loo baahneyn-Video+Warbixin

Hargeisa (Horufadhi News)-Muuse Bixii Cabdi Madaxwaynaha maamul Gobaleedka Somaliland ayaa maanta ka hadlay Colaada kala dhaxaysa Puntland iyadoo dagaal uu dhexmaray Labada dhinac.

“Maanta Looma Baahnayn dagaal waa Nasiib darro, Inaynu dad iska dilno uma Baahnin,  Waxaa loo baahnaa inaynu is Kaashano, Anigu difaac ayaanu ku Jirnay Weerar uma Socono, ” Ayuu yidhi.

Dadka Puntland ee Qaylo-dhaanta Qabaliga ah ee Isirika ah wada, waxaan leeyahay waxaa ka wanaagsan inagoo iskaashana,  Dabka kabaxaya Muqdisho iyo Garoowe inaad Somaliland usoo gudbiso ma fiicna “ Ayuu yidhi Muuse Biixi.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waxay gobaladu nagu canaantaan ,waa Dhakhtarkaa lama dhisan,haalkas wadadaas lama dhisin, ceelkaas lama qodin,umana jeedno Dagaal iyo ciidan khasaare dhexdeena dhiig ka daata,waxaan leeyahay taasna waa iga waane aan ka waantowno,waad aragtaan qolada warbaahinta iyo Baraha Bulshada hadalada qaawan ee qabaa,ilka ah,waxaan leeyahay waa qalad.Somaliland isir kama jiree waa qaran isku mid ah,,.

Hadalka Muuse Biixi ayaa imaanaya xili xiisada colaadeed ee Somaliland iyo Puntlannd u egtahay mid meeshii ugu xumeyd maraysa isla markaana labada dhan ay warbaahinta isku dhaafsanayaan hadallo xanaf leh oo colaada sii hurinaya.

 

SOMALI NEWS

To Top