WARARKA SOOMAALI

Akhriso:-Mareykanka oo dhimaya Ciidamadiisa ka jooga Soomaaliya iyo Sababta-Warbixin

Muqdisho (Horufadhi News)-Dowlada Maraykanka ayaa ka fiirsanaya sidii uu u yareyn lahaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee howlgalada ka fuliya dalka Soomaaliya iyo wadamo kale oo qaarada Afrika ah.

Sida ay daabacday jariirada New York Times Isniintii kala bar ciidamada la dagaalama ururada argagaxisada ee ku sugan qaarada Afrika laga saari doonaa saddexda sano ee soo socota.

Guud ahaan ciidamo gaaraya lix kun oo Maraykan ah ayaa ku sugan wadamo kala gedisan oo ku yaal qaarada Afrika.

Sida laga soo xigtey Taliska ciidamada Maraykanka Africa ee Africom illaa shan boqol oo ka mid ah ciidamadaas Komaandosta ah oo isugu jira tababarayaal iyo qaar saadka ku taqasusay ayaa xarumo ku leh gudaha dalka Soomaaliya iyagoo ka caawiya ciidamada AMISOM iyo ciidamada dowlada Soomaaliya sidii ay weeraro ugu qaadi lahaayeen ururka Al-Shabaab.

Howlgalada ay ciidamada Maraykanka ka fuliyaan dalka Soomaaliya ayaa badankood ah kuwa lagu qaado weerar loo adeegsado diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drone kuwaasoo la sheegay in lagu diley saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Dhimista ciidamadan ayaa waxaa ay salka ku haysaa sida la sheegay labo arrimood oo tan ugu horeysa ay tahay qasaaraha ka soo gaaray askarta Maraykanka ah iyadoo bishii Oktoobar ee sanadkii hore lagu diley dalka Niger afar ka mid ah askarta kumaadoonsta Maraykanka.

Sababta labaad ayaa lagu sheegay in dowlada Maraykanka ay culeys kala kulmeyso dalalka Ruushka,Shiinaha,Waqoyiga Kuuriya iyo weliba Iran.

Qeyb ka mid ah ciidamada haatan ku sugan wadamo ku yaal qaarada Afrika ayaa dib loogu meeleyn doonaa howlgalo wadamada caalamka laga fulin doono.

Dhanka kale dowlada Maraykanka ayaa la kulmaya dhaliilo ah in howlgalada iyo duqeynta ay ka geystaan wadamo caalamka ka mid ah ay ku dhintaan dad rayid ah.
Balse illaa hadda wasaarada gaashaandhigga Maraykanka ayaa iska fogeynaysa in ay dad rayid ah waxyeelo ku gaarsiisay dalka Soomaaliya.

SOMALI NEWS

To Top