WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Jiida Dagaalka kusoo dhaweeyay Ciidamadii ugu badnaa ee kasoo kacay Buuhoodle-Video

Laascaanood (Horufadhi News)-Xiisada dagaal ee ka taagan magaalada Tukaraq ee u dhaxaysa Puntland iyo Somaliland  ayaa weli laga dareemayaa deegaankaasi.

Madaxweyne ku xigeenka  Puntland C.xakiim Camey ayaa soo dhaweeyey Ciimado qayb ka noqonaya howlgalka Difaaca Gobolka Sool kuwaas oo kasoo kicitimay Gobolka Cayn,  Iyadoona ay halkaasi kasoo raaceen Safarkii uu dhowaan ku tagay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Ciidamaddan ayaa dab cusub kusii shidaya xiisada colaadeed ee u dhaxaysa labada maamul ee Somaliland iyo Puntland,ilaa hadana ma muqato wax qorshe ah oo lagaga baaqsanayo dagaal kale oo ka dhex qarxa labadaas dhinac.

Socdaalka Ciidamadan ja yimid Buuhoodle iyo Camey oo gaadhay jiida ayaa imaanaysa xili maanta Muuse Biixi oo khudbad dheer oo u jeediyey ,uu waxbadan ka sheekeeyay sida labada dhinac ugu baahan yihiin nabad galyo ka dhex dhalata isla markaana wuxuu wax badan ku dheeraaday in nabadda ka baadi goobo.taas oo u muqata mid aysan Puntland dhag u dhigin.

 

SOMALI NEWS

To Top