WARARKA SOOMAALI

SUCUUDIGA:-Haweeneydii u horeysay oo Sacuudiyaan oo qaadatay Ruqsada Darawalnimada-Warbixin

Muqdisho (Horufadhi News)-Sacuudi Carabiya ayaa bilowday inay Haweenka siiso ruqsada darawalnimada, taasoo mamnuuc ka aheyd Haweenka inay gaadiidka kaxeeyeen, iyadoo dhamaadka bishan si rasmi ah loo qaadi doono xayiraadii Haweenka ka saarneyd inay wadista gaadiidka.

War saxaafadeed ka soo baxay dowladda Sacuudiga ayaa lagu sheegay in la bilaabay bixinta sharciga darawalnimada ee Leesanka, waxaana la siiyay Haweenka ka yimaaday wadamada dibadda ee heysta leesanka, sida Britain, Lubnan iyo Canada.

Haweenka la siiyay sharciga darawalnimada Leesanka ayaa ugu horeyn la imtixaanay, ka hor inta aan Ruqsada darawalnimada.

Wasaaradda Warfaafinta Sacuudiga ayaa soo bandhigtay sawirka haweeneydii u horeeyay ee la siiyay sharciga darawalnimada, waxaana ay aheyd gabar kaaliye macalin ka ah Jaamacadda Sattam Bin Abdulaziz.

Sacuudiga ayaa 24-ka bishan si rasmi ah u qaadi doona xayiraada saarneyd Haweenka inay gaadidika kaxeeyaan, waana mid ka mid ah tallaabooyinka Dhaxal sugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan ku doonayo inuu ku casriyeeyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Todobaadyo ka hor ayay aheyd markii dowladda Sacuudiga ay xabsiga u taxaabtay Haween u ololeynayay xuquuqda darawalnimada, waxaana lagu wadaa in maxkamad la soo taago.

Haweenka Sacuudiga ayaa loo ogoleyn in muxram la’aan safarada dibadda, goobaha caafimaadka, shaqada iyo waxbarashada.

SOMALI NEWS

To Top