WARARKA SOOMAALI

Koonfur Galbeed oo War kasoo saartay Duqeyn xoogan oo ka dhacday…

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in saraakiil iyo xubno kale oo ka tirsan Ururka Al-shabaab lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo xalay lala eegtay deegaanno ay ku sugnaayeen oo ka tirsan Gobolka Bakool.

Deegaannada ay duqeyntani ka dhacday ayaa waxaa ka mid ahaa Abag-beeday, Gobid-Galoole, Garasweyne iyo Moorogaabey, oo ku xooggan yhiin dagaalyahannada Ururka Al-shabaab.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in duqeymahan qeyb ka yihiin howlgalo la doonayo in lagu wiiqo awooda dagaalamayaasha Al-shabaab ee Gobolka oo deegaanno badan ay ku go’doomiyeen.

Habeen hore ayeey aheyd markii ayeey markii sidan oo kale deegaan hoostaga degmada Xudur duqeyn lagu dilay xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab, in kastoo Maamulka Koonfur Galbeed uusan faah faahin dheeraad ah ka bixin.

Ma jiro dhinaca Al-shabaab wax war ah oo ka soo saareen duqeymahan is daba jooga ah ee lagu bartilmaameedsaday saldhigyadooda Gobolka Bakool, waxaana dadka deegeenka ay sheegeen inay maqlayen dhawaqa gantaalo Culus.

SOMALI NEWS

To Top