WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO:-James Swan oo siweyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Kismaayo

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa ay gaareen Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Jubbaland.

Garoonka diyaaradaha ayaa James Swan iyo wafdiga la socday waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Mas’uuliyiin kale, waxaana loo galbiyay dhinaca Xarunta Madaxtooyada.

Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa kulan gaar ah la qaadan doona Madaxweynaha dowlad Goboleedyada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, iyagoona ka wada hadli doona khilaafka ka taagan doorashada iyo sida lagu xalin karo.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada hadli doona Arrimo ku aadan deegaanada maamulka iyo mashaariicda horumarineed ee Qaramada Midoobay ka fuliso halkaas, iyagoona kadib soo saari doona War-saxaafadeedyoku saabsan kulanka.

James Swan ayaa horey kulamo kula qaatay Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada Galmudug, Puntland iyo Hirshabeelle, isagoo kala hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan muranka ka taagan qabsoomida doorashada dalka Soomaaliya ka dhaceysa.

SOMALI NEWS

To Top