WARARKA SOOMAALI

Ciidamo farabadan oo lagu daadiyay waddooyinka Dhuusamareeb

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa la filayaa inuu Maanlinta berri ka furmo Shirka Madaxda dowladda Federaalka, kuwa maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Ciidamo badan oo ka tirsan dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug ayaa lagu soo daadiyey waddooyinka waaweyn ee Dhuusamareeb iyo duleedkeeda, kuwaasi oo sugaya amniga, maadaama uu ka dhacayo Shir wadatashi ah.

Ciidamo isugu jira Boolis, Milateri, Nabadsugid ayaa saakay la geeyay baraha koontaroolada Dhuusamareeb, iyagoona gaadiidka noocyadiisa kala duwan ku sameeynaya baaritaano adeg.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in laamaha amniga Maamulka Galmudug ay howlgo ka wadaan Caasimadda oo lagu xaqiijinayo amniga, waxaana halkaas kusii jeeda Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir deg deg ah isugu yeeray Madaxda maamulada iyo Gobolka Banaadir, waxaana looga hadli doonaa xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo khilaafka hareeyay qabsoomida doorashada dhaceysa.

SOMALI NEWS

To Top