WARARKA SOOMAALI

Dowladda Somalia iyo Turkiga oo Maanta heshiis cusub kala saxiixday

Wasiirka caddaalada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo safaarada turkiga ee Soomaaliya ayaa goob joog ka ahaa heshiis ay kala saxiixanayeen Wasaarada Cadaalada iyo Safaarada turkiga ee Soomaaliya

Heshiiskaan oo quseeyey hormarinta xabsiyada dalka iyo waxbarida Maxaabiista waxaa labada dhinac u kala saxiixay Agaasimaha guud Axmed yuusuf Xasan iyo Wakiilka Hay.ada bisha cas u jooga soomaaliya Alakis jagwin.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Caddaalada Axmed yuusuf Xasan ayaa si bogaadiyey garab istaag dowlad Turkiga sidoo kale Agaasimha ayaa sheegay in ay socdaan dadaalo isugu jira dhismo iyo horumarin lagu samaynayo Xabsiyada ku yaala dalka

Heshiika maanta ayaa ku soo aadaya xilli Wasiirka Cadaalada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uu horay u sheegay in ay ku dadaalayaan hormarinta xabsiyada la socodka nolosha maxaabiista iyo sare uqaadida caddaalada dalka.

SOMALI NEWS

To Top