WARARKA SOOMAALI

Khilaafkii u dhaxeeyay maamul gobaleedyada iyo Dowladda dhexe oo xal laga gaadhay-Video

Dhuusamareeb (HM) –  Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe oo ka hadlayey shirka magaalada Dhuusamareeb ayaa shaaciyey in xal waara laga gaadhay khilaafkii maamulkiisa kala dhexeeyey dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa khudbaddiisa ku sheegay in si hoose wax loo xeeriyey, gaar ahaan khilaafka ka dhashay doorashadii isaga dib loogu doortay ee ka dhacday magaalada Kismaayo, kadib wada-hadalladii gaar-gaarka ahaa ee ka dhacay Dhuusamareeb.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in la muujiyey isu tanaasul, isaga oo sidoo kale si gaar ah ugu mahadceliyey madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dhankiisa Madaxweynaha maamulka Puntland, Mudane  Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ayaa ku dhawaaqay in dadaal badan oo la sameeyey kadib meesha laga saaray khilaafkii u dhexeeyey madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Deni ayaa intaasi ku daray in maamul goboleedyada iyo dowladda loo kala warrami jiray, balse ay haatan dhammaatay, islamarkaana ay wada shaqeyn doonaan labada dhinac.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in la joogo xilligii Midnimada,loona baahan yahay in laga wada shaqeeyo maslaxada guud ee Ummadda Soomaaliyeed.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top