WARARKA SOOMAALI

Wasaarada Waxbarashada oo shaacisay in 500 oo arday ay Puntland ku galeen imtixaanka dugsiga Sare-Akhriso

Muqdisho (HM)-Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare eecSoomaaliya ayaa War-saxaafadeed ay soo saartay waxa ay u sheegtay in arday gaadhaysa shan boqol oo arday ay ku galeen imtixaanka dugsiyada sare deegaano ka tirsan maamulka Puntland.


War-saxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in Imtixaankii shahaadiga ahaa ay qaaday Wasaaradda Waxbarashada ay u fariisteen in ka badan 35 kun oo Arday oo ay ku jireen 500 oo Arday, kana socotay deegaanada dowlad Goboleedka Puntland.

Hase yeeshee Wasaarada Waxbarashada ma aysan cadeyn deegaanada ay sida gaarka ah ugu galeen imtixaanka ardaydan ka socotay Puntland.

Maamul Goboleedka Puntland ayaa hore u sheegay inay imtixaan gaar ah u diyaarsadeen ardaydooda ayna ka mid ahayn ardayda ka qeybgalaysa imtixaanka guud ee dowlada federalka.

Halka ka aqriso War Saxaafadeedka Wasaarada Waxbarashada.

SOMALI NEWS

To Top