WARARKA SOOMAALI

Itoobiya oo ku hanjabtay inay sidii ay rabto u maamuli doonto Biyaha arrinta wabiga Nile-ka-Akhriso

Addis Ababa (HM) – Wasiirka arrimaha dibadda dalka Itoobiya Gedduu Andaargaashew ayaa sheegay Itoobiya iney biyaha wabiga Nile ay u isticmaali karto ujeeddada ay rabto.

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Gedduu Andaargaaschew oo bartiisa Twitter-ka farriin soo dhigay ayaa ku sheegay iney jirin isticmaalka biyaha wabiga Nile Itoobiya cid ka hor istaagi karto.

“Biyaha Wabiga Nile maanta waa la xakameeyey oo biyo-xireenka ayaa biyihi qabanaya, wabigina wuxuu hadda iisu beddelay haro aad u weyn, biyaha wabigana qulqulkiisa wuu sii wadayaa Itoobiyana harada biyaha wabiga ka sameysantay ayey sideey doonto u isticmaaleysaa” ayuu yidhi.

Hadalka wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa ku soo beegmaya xilli ay Itoobiya sheegtay biyihi looga talagalay in biyo-xidheenka lagu keydiyo sanadka ugu horreeya in si buuxda looga guuleystay.

Itoobiya waxay marar badan sheegtay buuxinta biyaha biyo-xireenka uu u baahan yahay iney billaabeyso bartamaha bisha July, taasoo la moodo iney sideeda ugu suuragashay.

Biyo-xidheenka weyn ee ay Itooboya ka dhiseyso wabiga Nile dhsiamahiisa marka la dhammeystito wuxuu awood u yeelanayaa inuu dhaliyo koronta dhan 6 kun oo Mega Wat, biya xireenkan oo noqonaya kan ugu weyn qaaraddan Afrika.

Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa shacabka dalka Itoobiya ugu hambalyeeyey guusha laga gaaray biyo-xireenka weyn ee ay ka dhiseyso wabiga Nile.

Wuxuuna sheegay biyo xidheenka hadda lagu guuleystay biyihi ugu horreeyey iney sidi la rabay u galaan oo lagu guuleystay ayaa guusha soo hoyeen shucuubta dalka Itoobiya ee dal iyo dibadba ku sugan lacagaha ay jeebkooda ka bixiyeen iyaga oo aan u baahan kaalmo iyo deeq shisheeye.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top