WARARKA SOOMAALI

Jubaland oo xukuntay mid kamid ah raggii wax ka weeraray Hotelkii ku geeriyootay Hodan Naalaye-Video

Kismaayo (HM)-Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Maamulka Jubbaland ayaa xukun dil ah ku ridey Deeqow Caliyow Kuusow oo 19 jir ah lagu eedeeyay in uu ka mid ahaa Al-shabaabkii weerarka ku qaaday Hotelka Cas-casey ee magaalada Kismaayo 12 kii July sanadkii hore.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dhageysiga kiisaskaan oo soo maray heerar kala duwan ayaa ugu dambeyn maanta maxkamadda ay soo saartay xukun dil toogasho ah oo lagy riday Deeqow Caliyow oo magaciisa afgarashadu yahay Muhaajir sida uu ku dhawaaqay Bashiir Maxamuud Xareed garsooraha 1aad ee maxkamadda.

Weerarkii Hotel Cascasey ee Magaalada Kismaayo waxaa ku dhintay dad badan oo ay ka mid ahaayeen Hodan Naleye & Saygeeda oo Hotelka ku sugnaa xilliga weerarka dhacaayay iyo dadweyne kale.

Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaasi, waxaana ay sheegeen in halkaasi ay ku dileen ku dhawaad 20 ruux.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top