WARARKA SOOMAALI

Garaad Jaamac oo sheegay in Dr. Cali Khaliif u geeriyooday xanuunka Coronavirus-Akhriso

Muqdisho (HM )-Baadhitaanka labaad ee lagu sameeyey maydka Prof. Cali Khaliif Galaydh kadib markii la keenay magaalada Muqdisho aya lagu qancay, xaq ayayna qoyska iyo bulshada Soomaaliyeedba u lahaayeen in ay baadhitaankaas codsadaan, maadaama shaki badan jirey.

Maryan Cabdi Biixi Marwadii Prof. Cali Khaliif oo Muqdisho iyada iyo Ehelka Dr. Galaydh ay Muqdisho uga qayb galeen Aaskii Marxuumka ayaa u mahad celisay Madaxwaynaha JFS Maxamed Cabduulaahi Farmaajo iyo Madaxwaynaha Dawlad deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar.

Garaadka Guud ee Beelaha SSC  Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa dhankiisa uga mahad celiyey  Guud ahaan Bulshada Soomaaliyeed siday ula qaybsadeen Geerida Dr. Galaydh.

“Waxaa Nasiib darro ah iyadoo Geeri nagu dhacday oo dhimasho timid, in Warar been Abuur ah laga Faafiyo, Waxay nagu noqotay dhimasho kale, Cali khaliif wakhtiisa ayaa dhamaaday, Xanuunkaa Covid19 ayaa alle sabab uga soo dhigay, Waxaana mar kale lagu baadhay Halkan (Muqdisho) Waxaan ka ka maqli jiray Cali Khaliif   Hebel meel xun ayuu wax ka raadiyaa,   Hada waxaan leeyahay ayaan siyaasadda meel xun laga raadin, oo Dad geeri ku timid la siyaasadayn”  Ayuu yidhi Garaad Jaamac Garaad Cali.

Dawlad Deegaanka Soomaalida, Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo bulshada Soomaaliyeedba shacab iyo madax waa ay ku mahadsan yihiin sida isxilqaanka ah ee ay isugu taageen maamuuska Marxuum Cali Khaliif. Ducadii badnayd iyo wanaaggii loo qirayna marxuumka Ilaahay ha u aqbalo.

SOMALI NEWS

To Top