WARARKA SOOMAALI

Dowladda Soomaaliya oo digniin siisay Bankiyada gaarka loo leeyahay.

Muqdisho (HM)-Bangiyada Soomaaliya waxay wajihi karaa khatar mar walba oo ay la macaamilaan shabakado xidhiidh la leh kooxo argagixiso ah, sidda uu uga digay Sii-haayaha Wasiirka Maaliyada xukuumada federaalka.

Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo u waramay New York Times ayaa hadalkaa ka dhawaajiyey xilli uu ka falcelinayey warbixin kasoo baxdey Qaramada Midoobay oo lagu sheegay in Bangiyada ay la shaqeeyan Al-Shabaab.

Warbixinta oo ay soo saareen koox lix khuburo ah kuwaasoo UN-ka u qaabilsan dabagalka arrimaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xoogaga hubeysan ay hindisteen naqshad cusub oo ay malaayiin Doolar ku aruursanayaan.

Sidda laga soo xigtay qormadda, ku dhex-milanka ganacsiga suuqa Bakaaraha ee Muqdisho iyo iibsashada hanti ma guurto ah ayaa kamid ah qaababka cusub oo December, 2019 illaa August, 2021 ay ku heleen 13 milyan oo Doolar.

Bayle oo Al-Shabaab ku qeexay in ay tahay “Maafiyo” ayaa walaac xoogan wuxuu ka muujiyey xeelada cusub oo ee argagixisadda isku-dabarideen.

“Bangiyada kulamo ayaan la leenahay, waana ku wargelin doonaa in ay ku jiraan khatar,” ayuu Bayle ku yidhi wareysigan uu bixiyey isagoo Muqdisho jooga.

Wuxuu ku daray: “Kooxdan waa Maafiyo. Markii Mas’uuliyiinta ay kasoo xiraan hal albaab waxay helayaan qaab kale oo ay lacag ku kala gudbiyaan”.

“Dadkan [dagaalameyaasha Al-Shabaab] waa kuwa aad u caqli iyo dhagar badan,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay isagoo aan soo hadal-qaadin qorsheyaasha uga degay si ay u baajiyaan qulqulka lacagta ay heleyso maleyshiyadda.

Ururada argagixisada ah ayaa dhaqaalaha ay uruur-sadaan waxay u adeegsadaan in ay kusoo iib-sadaan saanadaha hubka iyo in ay ku fududeeyaan howlgalada ay doonayaan in ay ka fuliyaan magaalooyinka kala duwan ee waddanka Soomaaliya.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top