WARARKA SOOMAALI

Axmed Ismaaciil Samatar oo ka hadlay Geerida Cali Khaliif, arrimaha Khaatumo & Somaliland.

Laascaanood ( HM) Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ay Saaxiibo dhow ahaayeen Dr. Cali Khaliif galaydh Alle ha u naxariistee ayaa Waraysi uu bixiyey wuxuu uga hadlay arimo kala duwan oo ay kamid tahay Geerida dr. Galaydh, Arintii Khaatumo , Xisibiga iyo kulmiye.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Aad ayaan u murugaysanahay,   waxaan Soomaali oo dhan u dirayaa Tacsi , geerida ku timid Dr. Cali Khaliif Galaydh “ ayuu yidhi  Prof. Samatar

Dhinaca kale Prof. Axmed Samatar  ayaa ka hadlay Halka uu ku dambayn karo   Heshiiskii Khaatumo iyo Somaliland.

“Shaki iigama jiro in Geed wayn uu halkaasi baxay,  Ma jirto cid kale oo sidiisa u buuxin karta Wadahadalka Khaatumo  iyo Somaliland,  Wuuna diyaariyey   Qodobada la doonayey in wax laga qabto, Balse waxaa laga rabaa  Somaliland waxay ay yeelayso, Baahi wayn ayaa loo qabaa in Arinta khaatumo loo dhameeyo, waana arinta lagu maamuusi karo Cali Khaliif. “ Ayuu yidhi Samatar.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay Barnaamijkiii ay wada Qabteen Dr. Cali Khaliif ee    Tabliiqa Siyaasiga ah, ee Somaliland miyaa la wada leeyahay, iyo Doodii ka dhalatay.

Waraysigan wuxuu sidoo kale uga hadlay Arimo kale oo Xasaasi ah iyo Xisbiga Kulmiye.

SOMALI NEWS

To Top