WARARKA SOOMAALI

Jigjiga:-Xildhibaan Dad shacab ah ku laayey Soomaali Galbeed…

Jigjiga ( HM)  Wararka ka imaanaya dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Maamulka Soomaalida Itoobiya uu dil u geestay labo ruux oo kunoolaa degmada Jarati oo laga soo doortay.

Sida aan Wararka ku helnay Xildhibaan Bashiir Diiriye Camey ayaa dil u geestay labo ruux oo la sheegay in uu ka dhaxeeyay muran salka ku haya dhul beereed, waxaana Xildhibaanka dacwad kadib nolosha dhaafiyay labada ruux ee dacwada kala dhaxeesay.

Gudoomiyaha degmada Jarati Shaafi Diiriye Shaafi ayaa Idaacada BBC-da u sheegay in ciidamada amaanka xabsiga dhigeen Xildhibaanka dilka geestay iyo labo ruux kale oo la socoday marka uu dilka geesanayay, Wuxuuna  xusay in dhulalkaasi Muranka dhaliyey markii hore xoog looga qaatay dadkii lahaa.

” Dacwado badan oo la xidhiidha is qab qabsi dhulal beereed ayaa yaala Maxkamada degmada, Xukuumaddii hore ayaa xildhibaannada siisay dhul beereed iyo lacago, dhulkaas qayb ka mid ahna xukuumaddu waxay ka bixisay gacanta dad shacab ah,” Ayuu yidhi Shaafi.

Dadkii lahaa dhulalkii xooga looga qaaday ayaa la sheegay markii uu meesha ka baxay Maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar in ay bilaabeen dacwado ay kusoo ceshanayaan dhulkii xooga looga qaatay.

SOMALI NEWS

To Top