WARARKA SOOMAALI

Garaad Jaamac oo Degmadda Saaxdheer kusoo dhaweeyay wafti balaadhan.-Sawiro

Laascaanood ( HM) Waxaa magaalada Saaxdheer ee Xarunta Dhaqanka, soo  gaadhay wafdi uu hogaaminayo Caaqil xasan maxamed Saleebaan oo ah Chief Caaqil ka beesha Khayr Cabdi ( Qayaad).

Wafdigan Balaadhan ee Caaqilku Hogaaminayey ayaa casumaad ka helay Garaadka guud ee Beelaha Dhulbahante Garaad Jaamac Garaad Cali.

Safarka Wafdigan ayaa salka ku haya  sidii loo sii xoojin lahaa Nabadayntii Jigjiga lagu soo xidhay, Taasi oo si rasmiya uga dhaqan gashay deegaanka, Dadkuna uga Raysteen Colaadihii iyo Dhibaatadii soo Martay.

Sidoo kale waxaa maanta magaalada saaxdheer ku kulmaya 42-dii  Xubnood ee magaalada Jigjiga heshiiska ku soo saxeexay.

Wafdigan ayaa waxay saaka ay ka soo kicitimeen Magaalada Laascaanood waxayna sii mareen Kalabaydh, Dabataag  iyo deegaano kale iyadoona Dadka deegaanku siwayn usoo dhoweeyeen Wafidiga, Wwaana markii u horaysay oo wafdi intaa le eg oo aan wax ciidan  ahi lasocon safar nabadgalyo ku maraan deegaanadan.

NABAD BAA NAAS LA NUUGO LEH

ALLE HAKU GUULEEYO HADAFKOODA NABADDA

SOMALI NEWS

To Top