WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Tirada dhimashada iyo dhaawaca Qaraxii Muqdisho iyo Sheekh caan ah oo ku dhaawacmay-Video

Muqdisho (HM) – Inta la xaqiijiey 11 qof ayaa ku dhimatay halka 16 kale ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay agagaarka Hotel Weheliye, waddada Maka Al-mukarama ee bartamaha Muqdisho.

Warar soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa Maanta uu ku dhaawacmay Shiikh Yuusuf Cali Caynte oo ka mid ah guddoomiyaha ururka islaamiga ah ee Majmaca Islaamka.

Sheekha ayaa la sheegay in xilliga qaraxa uu dhacayay uu goobta ku sugnaa,waxaana qaraxa sidoo kale uu geystay khasaaro dhimasho mid dhaawac iyo burbur hantiyadeed.

Shiikh Yuusuf Cali Caynte ayaa ah Aabaha Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari ayaa ka dhacay goob maqaahi ah, waxaana halkaasi waxyeello ka soo gaartay dadkii goobta joogay iyo qaar kale oo la kulmay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dadkii goob joogayaasha ahaa ayaa sheegay in gaari nuuca raaxada ah oo ka yimid dhinaca Isgoyska Debka uu ku qarxay maqaayado iska soo horjeeda kuna dhaggan hotel Wehliye ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale gaadiid badan ayaa halkaasi ku bur buray. Khasaaraha ayaa waxaa badiyay goobta oo aheyd maqaayad iyo sidoo kale wado ay aad u isticmaalaan gaaiidka Bajaajta iyo kuwa kale ee raaxada ah.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay DF-ka Soomaaliya oo qaraxaan ku aadan. Qaraxa ayaa ku soo aaday iyadoo shalay iyo xalay baraha bulshada ee Internet-ka lagu soo qorayay digniino amni oo la sheegay in ay ka soo baxday hey’adaha ajnabiga ah ee dalka ku sugan.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmahaan marti u noqotay qaraxyada Al-Shabaab iyo weerada Qorsheysan, waxaana muuqato inaysan jirin Istaraatiijiyad Amniga wax looga qabanayo.

Muddo todobaad ah ku-dhowaad 10 qarax ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho kuwaas oo ay ku dhintayn dad badan oo shacab ah.

SOMALI NEWS

To Top