WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Faah-faahin ku saabsan Qaraxii Waddada Maka Al-Mukarama iyo Khasaare xooggan-Video

Muqdisho (HM) – Qarax xooggan oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goor dhow ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama oo ay ku yaallaan ganacsi kala duwan.

Qaraxaan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa lala beegsaday sida la sheegay maqaayado ku yaalla wadadaas kuna dhegan hoteelka Wheliye ee magaalada Muqdisho.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ay arkeen ku dhawaad 10-qof oo meyd ah iyaga oo sheegay in ay dhaawacyadu intaas ka badanyihiin.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay waxa ay u badanyihiin dadkii ku sugnaa maqaayadaha la weeraray.

Xilliga uu qaraxa dhacayey ayaa la sheegay inay Maqaayadda aheyd mid aad u mashquulsan isla markaasna ay ku sugnaayeen dad badan maadaama ay aheyd xilligii Qadada.

Ciidamada ammaanka ayaa goobta xiray, waxaana socda gurmadka dadka ay waxyeelada soo gaartay.

SOMALI NEWS

To Top