WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Muqdisho ururka Kalkaal oo qabtay Xaflad Lacag loogu uruurinayey Cusbitaalada Widhwidh iyo Awrboogeys-Video

Laascaanood (HM)-Xalfaddan oo ahayd mid Meeqaam keedu sareeyo ayaa Xalay Lagu Qabtay Magaalada Muqdisho.

Waxaa kasooqayb galay Marwada MadaxwaynahaSaynab Macalim , Gud. kuxigeenka Golaha Shacabka, Xildhibaano, Wasiiro, Ganacsato, Aqoonyahano, Dhalinyaro, Haween & Marti Sharaf kala duwan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Munaasibadan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey gabdho iskood isu-xilqaamay oo hirgaliyey Laba Cisbitaal oo Hooyada & Dhallanka loogu tala galay kadib markii ay ka danqadeen dhibaatada haysata Hooyada uurka leh ee deegaanada Sool, Sanaag & Cayn.

Cisbitaaladan ayaa laga dhisay Deegaanada Widh Widh iyo Awr-boogays oo hoostaga Buuhoodle & Laascaanood waxaa hadda soodhammaaday Wajiga 1aad ee dhismaha Cisbitaaladaasi.

Ujeedka Xafladda ayaa ahaa sidii loo dhamays tiri lahaa wajiga 2aad ee qalabaynta Cisbitaaladaasi isla markaana ay uga faa’iidayn lahaayeen shacabka deegaanadaasi Waxaana Madaxdii & Masuuliyiintii Xafladda kaqayb gashay ugu dambayntii ku yabooheen Lacago ay kaga qayb qaadanayaan Qalabaynta labadaa Cisbitaal.

Ugu dambayntii shacabka soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ayaa loogu baaqayaa in ay iyaguna qaybtooda kaqaataan sidii loobadbaadin lahaa Hooyada Uurka le & Dhallaanka Deegaanadaasi.

Sawiro

SOMALI NEWS

To Top