WARARKA SOOMAALI

Itoobiya Jawar Maxamed oo taageerayaashiisa ku yidhi isdejiya balse hal il ku seexda.

Jigjiga (HM)– Itoobiya ayaa mar kale qabsatay ciwaanada warbaahinta caalamka markii ciidanka dowladda ay hareeyeen hoyga mid kamid ah ragga u dhaqdhaqaaqa qadiyadda Oromada midka ugu caansan.

Jawar Maxamed, oo ah aas-aasaha Oromia Media Network, ayaa sheegay in dowladda damacsan tahay in ay ilaalada gaarka ah kala noqoto. Dibadbaxyo lagu taageerayo ayaa ka dhacay magaalooyin kala duwan.

Dhimasho ayaa lasoo wariyay xili booliska oo isku dayeya in uu kala racdeeyo banaanbaxayaasha la sheegay in uu adeegsaday rasaas nool-nool taas oo keentay geerida in ka badan tobban ruux oo badankooda shacab ah.

Mudaaharaadka ayaa bilowday Arbacadii. Lama ogga sababta dowladdu u dooneyso in ay ilaalada kala noqoto Jawar. Balse waxay timid maalin kadib markii Abiy Axmed, ra’iisul wasaaraha, u digay saxaafadda xorta ah.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda Addis Ababa oo la hadlayey baarlamaanka, ayaa uga digay warbaahinta madaxa banaan buunbuuninta “xasilooni daradda iyo rabshaddaha”.

Wareysiyo uu siiyey warbaahinta, Jawar oo murashax u ah doorashadda Itoobiya ee soo aadan, ayaa wuxuu ugu sheegay taageereyaashiisa “in ay is-dejiyaan balse ay seexdaan habeenkii iyaga oo hal il u furan tahay”.

“Fur waddooyinka xiran, nadiifi magaalooyinka laamiyadaha ah, daweeya kuwa ku dhaawacmay dibadbaxyadda lana heshiisiiya kuwa aad la muranteen,” ayuu yiri isaga oo kula hadlaya banaanka hoygiisa Addis.

Dowladda ayuu si maldahan weerar afka ah ugu qaadey, isaga oo yiri “ma ahan waqtigii aan is-dili lahayn” balse taageereyaashiisa ayaa waxa uu ku wargeliyay “feejignaan”.

“Is-dejiya,” ayuu hadalkiisa raaciyay. Xili uu u muuqday mid ugu yaraan akhbaar haya ayuu ku daray “Balse waxaad ku seexataa hal il”. Ma bixin tafaasiil dheeri ah oo ku saabsan waxa uu ula jeedo.

Jawar, oo degan Mareykanka, ayaa kamid ah dadkii ka dambeeyay ee ku guriya noqday kadib isbaddalada ka dhacay Itoobiya. Ilaalada gaar ah oo bileys ah waxaa loo siiyay maadaama hanjabaadyo dil ah loosoo diray.

Abiy, oo ku guuleysiga abaalmarinta nabadda aduunka sanadkan 2019 ku muteystay heshiiska nabadeed ee uu ka keenay Eritrea, ayaa xafiiska yimid bishii April ee 2018.

Jawar, oo musaafuris ku mutay dedaaladiisa, ayaa hogaaminayey kacdoonkii Oromada ee soo dedejiyay in uu xafiiska baneeyo Hailemariam Desalegn, ra’iisul wasaarihii hore ee Itoobiya.

Isbedelka Abiy ayaa saameeyay Geeska Africa, oo ay ka socdaan dabeylo isbedel-doon ah, waxaana dhawaan xisbiga xukuma Itoobiya uu ku dhawaaqay inay dalka ka dhigi doonaan dimuqraadi kahor doorashada 2020-ka.

Labada shaqsi ee ay haatan ka dhex-tafatay iskuna haya siyaasadda – Abiy iyo Jawar – ayaa waxay kasoo jeedaan qowmiyadda Oromada oo ah midda ugu dadka badan Itoobiya, dalka labaad ee ugu shacbiyada badan Afrika.

SOMALI NEWS

To Top