WARARKA SOOMAALI

Dowladda Soomaaliya oo dhaqaalihii ugu horeeyay ka heshay Shidaalka Dalka.

Muqdisho (HM)-Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud C/qaadir Hilaal ayaa sheegay lacag gaareysa $1.7M ay ka heleen Shirkado Shidaal oo horay heshiis ula galay dowladdii hore ee Kacaanka.

Qoraal uu bartiisa Twitter-ka ku daabacay ayuu ku sheegay in Shirkadaha Shidaalka ee Shell/ExxonMobil ay soo shubeen qeybtii u horeysay ee Ijaar lagu lahaa muddo 30 sano kaddib sida uu yiri.

Wasiirku ma sheegin in lacagta la bixiyay inay yihiin sanadle iyo in lacagihii ku baaqday ay yihiin heshiiskii dowladdii hore la gashay 30-sano ka hor.

Hase ahaatee Wasiir kuxigeenka Batroolka ayaa sheegay in maamulka lacagtan lagu salleyn doono heshiiskii kheyraad wadaagga ee ay kala saxiixdeen dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada shirkii ka dhacay Baydhabo sanadkii hore.

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta dowladda Federaalka ayaa bishii June ee sanadkan heshiis is faham ah la saxiixatay Shirkadaha Shell/Exxon Mobil, kaasoo ay dib ugu soo laabanayaan Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay dadaal ugu jirtay howlaha soo saarida shidaalka, iyadoo horaantii sanadkan magaalada London lagu soo bandhigay sahan laga sameeyay goobaha shidaalka ku jiro ee Soomaaliya, waxaana la filayaa in bilaha soo socda la suuq-geeyo oo Shirkadaha Shidaalka ee Caalamka ay iibsadaan xirmooyinka shidaalka ee sahanka laga sameeyay, si ay shidaal ugu soo saaraan.

SOMALI NEWS

To Top