WARARKA SOOMAALI

Diyaarado dagaal oo duqeymo ka gaystay deegaano ka tirsan Gobolka Bari ee Puntland.

Garoowe (HM)-Wararka ka imaanaya degmada Iskushuban ee gobolka Bari ee Puntland, ayaa sheegaya in galabta duqeymo culus oo dhinaca cirka ah lagu garaacay deegaan hootaga degmadaasi oo ay joogaan dagaalyahano hubeesan.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay Idaacada VOA in ay maqleen daryanka gantaalo culus oo galabta lagu garaacay deegaanka Cameyra ay horey ugu dagaalameen dagaalyahanada Al Shabaab iyo Daacish.

Waxa ay sheegeen dadka deegaanka in markii hore maqleen guux diyaaradeed kadibna ay xigtay maqalka afar gantaal oo lagu garaacay dhulka buuraleyda ee deegaanka Cameyra oo hoostagta degmada Iskushuban.

Wali lama oga cida lala eegtay duqeymahan xoogan ee galabta ka dhacay deegaankan katirsan dhulka Buuraleyda ee Bari, mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay maamulka Puntland.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa horey duqeymo culus uga fuliyay deegaano katirsan Puntland gaar ahaan dhulka Buuraleyda ay joogaan dagaalyahanada kooxaha Daacish iyo Al Shabaab.

SOMALI NEWS

To Top