WARARKA SOOMAALI

Akhriso:-Maxaa ka jira in xilka laga qaadayo Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Puntland?

Garoowe (HM) – Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa sheegaya inuu halkaas ka socdo olole siyaasadeed oo xooggan oo ilaa maalmahanba HM ay si wayn ula socotay.

Ololahaan oo ay wadaan xildhibaano daacad u ah Madaxweynaha maamulkaas Puntland Saciid Deni ayaa doonayo inay xilka ka qaadaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-dareed).

Kulanka Baarlamaanka Puntland maanta loo balansan yahay  ayaa la filayaa in la hor geeyo mooshin xilka looga qaadayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

Kooxda Aaran Jaan ayaa doonayo inay meesha ka saaraan Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaana fashil kusoo dhamaaday kulan dhex maray Madaxweyne Deni iyo Guddoomiye Cabdixakiin.

Ciidamo dheeraad ah ayaa la geeyey Xarunta Baarlamaanka Puntland saaka ilaa xalay sida uu kusoo waramayo wariyaha HM ee Garoowe.

Magaalada Garoowe waxaa ilaa xalay waxaa ka socday olole siyaasadeed oo aad u xooggan, waxaana socdo kulamo iska soo horjeedo, waxayna Kooxda Aaran jaan go,aan ku gaartay in xilka laga qaado guddoomiyaha Baarlamaanka oo ay is khilaafeen.

Wariyaha Garoowe wuxuu kusoo waramayaa saaka in wadooyinka oo la filayey in la xidho ay furan yihiin balse xaalada siyaasadeed ee magaalada xarunta ah ay kacsan tahay, warbaahinta ayaa loo diiday inay wax muuqaalo ah saaka ka duubtaan xarunta Baarlamaanka waxaana lagu wargaliye in hadhow dhamaadka kalfadhiga la siin doono waraysiyo iyo muuqaalo.

Wixii kaso kordha isha ku hay Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top