WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Xiisadii Itoobiya oo faraha ka baxday & banaanbaxayaasha oo gubay Buuggii Abiy Ahmed-Video

Jigjiga (HM)-Dibadbaxayaal isu soo bax ka dhigayay bariga dalka Itoobiya ayaa waxay gubeen buug cusub oo uu dhawaan qoray rai’sul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed taasi oo ay taageero ugu muujinayeen Jawar Mohammed .

Jawar Maxammed ayaa sheegay in dowladda ay ka ceshatay ciidamadii ilaalinayay gurigiisa oo ku yaalla caasimada,balse waxaa arrintasi beeniyay saraakiisha dalkaasi.

Arrintan ayaa waxaa ka dhashay dibadbaxyo ka dhacay afaafka hore ee guriga uu deggan yahay iyo qeybo kale oo dalka Itoobiya ka tirsan.

Inkastoo rai’sul wasaare Abiy lagu amaanay isbadalada uu dalkaasi ka hirgaaliyay ayaa hadana waxaa uu la daalaa dhacayaa xal u helidda isku dhacyo u dhaxeeya qoomiyadaha kala duwan ee dalkaasi.

Booliiska Itoobiya ayaa waxay beeniyeen in Jawar lagala noqday ciidamadii ilaalinayay,balse hadalka ka soo yeeray Mr Jawar ayaa waxa uu jahwaareer ku abuuray dowladda.

Caasimadda Addis Ababa, ayaa taageerayaashiisa waxay balaanqaadeen in iyaga ay ammaankiisa sugayaa,waxaana la maqlayay dibadbaxayaasha oo ku dhawaaqayay ” Abiy ha dhaaco.”

Gubidda buugga rai’sul wasaaraha ayaa ka dhacday magaalada Dadar.

Nuqulada Buugga Mr Abiy ee lagu magacaabo, Medemer, oo la daabacay Sabtidii ayaa laga qaybiyay dalkaasi.

HALKAN KA DAAWO

Buugga ayaa waxa qoraaladiisa diiradda lagu saaray fikirada siyaasadda rai’sul wasaaraha iyo sidoo kale halka uu higsanayo in uu Itoobiya garsiiyo.

Mr Jawar ayaa warbaahintiisa, Oromo Media Network (OMN), u isticmaalay dibadbaxyadii dowladda looga soo horjeeday 2016 ilaa 2018,xilligaasi oo uu dalka rai’sul wasaare ka ahaa Hailemariam Desalegn.

Waqtigaasi ayaa warbaahinta OMN waxay heshay taageerayaal badan oo ay ka mid yihiin kuwa qoomiyada Oramada oo ah kuwa ugu tirada badan ee dalka Itoobiya oo iyagu dareemayay in dhaqaala ahaan iyo siyaasad ahaanba la gacan bidxeeyay.

Xilligaasi saxafigan reer Itoobiya ayaa ku sugnaa Mareykanka oo uu haysto dhalashadiisa.

Balse Itoobiya ayuu dib ugu soo laabtay ka dib markii Mr Abiy uu awoodda la wareegay bishii April ee sanadkii aanu soo dhaafnay halkaasi oo uu isbadalo ka bilaabay.

SOMALI NEWS

To Top