WARARKA SOOMAALI

Jadwalka hadal-jeedinta Munaasabadda xiritaanka Shirka Doorashada

Waxaa haatan Xarunta Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho qaban-qaabadii ugu dambeysay ee Munaasabadda lagu saxiixayo heshiiska laga gaaray doorashada dalka ka dhaceysa oo muddo uu khilaaf ka taagnaa.

Guddiga qaban-qaabada Munaasabadda ayaa soo saaray Jadwalka hadal jeedinta xiritaanka Shirka Wadatashiga Qaran ee heshiiska looga gaaray doorashada oo maalmihii lasoo dhaafay Madaxd dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada uga socday Muqdisho.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb-galaya Mas’uuliyiinta heshiiska doorashada gaaray, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, qaar kamid ah xubnaha Midowga Musharixiinta, Wakiilo ka socda Ururada Bulshada rayidka iyo Beesha Caalamka.

Madaxda ayaa khudbado kala duwan ka jeedin doona Munaasabadda xiritaanka Shirka, isla markaana waxaa ay dhammaantood uga hadli doonaan doorashada iyo dadaaladii kala duwanaa ee socday laguna xalinayay khilaafka doorashada.

Hoos ka Akhriso Jadwalka hadal jeedinta Munaasabadda Shirka.

SOMALI NEWS

To Top