WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Hirshabeelle oo Baaq lama filaan u dirtay Dad ku qaxay Colaad

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed), Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Maamulka Siraaji Sheekh Isxaaq, Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowladda ayaa kulan la qaatay horjoogayaasha maleeshiyaadka dagaalamay, kuwaasi oo ugu dambeyn balan qaaday inay Nabadda ka shaqeyn doonaan.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Siraaji Sheekh Isxaaq ayaa ugu baaqay bulshada inay nabadda ka shaqeeyaan oo ay ka hortagaan cidkasta oo abuureyso amni darro.

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed ayaa ugu baaqay shacabka ka barakacay deegaannada ay colaadda ka dhacday inay dib ugu soo laabtaan guryahooda, Maamulkana uu ka shaqeyn doono sidii Nabadgelyada loo xoojin lahaa.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Maleeshiyo beeleedka la heshisiiyay ayaa waxaa ay dagaalo maalmo socday oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaaawac ku dhexmareen deegaano hoostega Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

SOMALI NEWS

To Top