WARARKA SOOMAALI

DEG DEG:Madaxweynihii iyo Ra’iisul Wasaarihii Maali oo la sii daayey

Ilo Milliteri oo ka tirsan Ciidanka dalka maali ayaa sheegay inay Xabsiga ka sii daayeen Madaxweynihii KMG ee dalkaasi, Bah N’Daw iyo Ra’isul-Wasaare Mukhtaar Coon.

Labadaasi Mas’uul ayaa waxaa la xiray maalintii Isniinta ee isbuucan,  saacado kadib, markii ay magacaabeen Gole Cusub oo aysan ka muuqanin Labada Sarkaal ee ugu muhiimsnaa Hoggaamiyayaashii Milliteriga ee Afgembiga ku qabsaday Talada dalkaasi bishii August ee sanadkii hore.

Wararku waxay sheegayaan in Madaxweynihii KMG ee dalka Mali, Bah N’Daw oo isku dhex casilay Xabsiga, halka uu xilkiina ka qaaday Ra’isul-Wasaare Mukhtaar Coon oo isagana Warqadii Is-casilaadda saxiixay.

Gaashaanle Baaba Ciisa oo ah La-taliyaha Khaaska ee Kolonel Goyta ayaa sheegay inay Madaxweynaha iyo RW is-casileen iyadoo ay Markhaatiyayaal joogeen.

Waxa uu intaasi ku daray in Madaxweynaha iyo RW dib u heli doonaan Xorriyadooda Asaasiga.

SOMALI NEWS

To Top