WARARKA SOOMAALI

Indhacadee”’ Imaaraadku waxay Soomaali yeelaan mooyaana weligood waxba nama tarin”.

Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo ka hadlayay xiisada siyaasadeed ee xilligan u dhaxeysa Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in Imaaraadka aanay wax faa’ido ku qabin, lugooyo mooyee.

Wareysi uu siiyay Radio Dalsan ayuu sheegay in Imaaraadka Carabta aysan Soomaaliya u imaan inay dadka Soomaaliyeed kaalmeyso, balse ay u timid inay curyaamiyaan dowladda Federaalka.

“Dowladda Imaaraadka Carabta lugooyo mooyee, wax faa’ido kuma qabin, dadka Soomaaliyeed ee dagaalada ku dhinta waxaa ka badan kuwa Imaaraadka uu dilo”ayuu yiri Indha Cadde.

Waxaa uu sheegay in haddii ay baxaan Imaaraadka Carabta ay heli doonaan dowlado ka wanaagsan sida uu yiri.

Indha Cadde ayaa sheegay in waxyaabaha xilligan keenay khilaafka dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka ay ka mid tahay in Imaaraadka doonayo inuu dowladda Soomaaliya ka yeesho siduu doono, taasna ay dowladdu ku gacan seyrtay.

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa xumaaday, wixii ka dambeeyay 8-dii bishan, xilligaasoo Diyaarad ka diwaangishneyd Imaaraadka Carabta lagu xayiray garoonka Muqdisho, iyadoo lacag ku dhow 10 milyan oo dollar gacanta ku dhigeen Ciidamada ammaanka Soomaaliya, waxaana Imaaraadka Carabta ay ku dhawaaqeen inay joojiyeen dhamaan howshii tababarada iyo taageeridii Ciidamada Soomaaliya.

Horufadhi media

SOMALI NEWS

To Top