WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Gen Moorgan oo Garoowe Soo gaadhay iyo shacab tiro badan oo soo dhaweeyay,Laascaanood oo-Video

Magaaladda Garoowe waxaa lagu soo dhaweeyey General Maxamed Siciid Moorgan oo ka mid ah shakhsiyaadka ilaa hadda shaaciyey in ay u taganyihiin xilka Madaxweynenimadda Dowladda Puntland doorashadda 2019.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

General Moogan waxaa soo dhaweyntiisa ka qaybgalay masuuliyiin ka tirsan hay,adaha Dowladda Puntland,qaybah bulshada rayidka ah iyo dadweyne fara badan oo si iskood ah isu soo abaabulay,ruxayeyna boorar ay ku xardhanyihiin haldhigyo ay ka midyihiin soo dhawow General Moorgan.

Moorgan oo warfidiyeenka la hadlay soo dhaweyn ka dib waxaa uu sheegay in uu xilka madaxweynaha u tartamidoono sanadka 2019ka ee la filayo in ay Puntland ka dhacdo,waxaa uu xusay in uu kulamo lasoo qaatay saladiinta dhaqanka,ganacsadatada iyo qaybaha bulshada Puntland eek u sugan magaalooyinka Boosaas iyo Qardho uuna u sharaxay ujeedka uu xilka isugu soo tagay iyo waxa uu Puntland ka badelidoono hadii uu ku guulaysto kursiga bisha Janaayo 2019.

SOMALI NEWS

To Top