WARARKA SOOMAALI

Hirshabeelle oo ka Jawaabtay Cabasho ay u soo gudbiyeen Musharaxiin

Guddiga hirgelinta doorashooyinka dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa ka Jawaabay  cabasho ay u soo gudbiyeen qaar kamid ah Musharaxiinta u tartameysa Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee Hirshabeelle.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in aysan waxba ka jirin cabashada ay u soo gudbiyeen qaar kamid ah Musharaxiinta kursiga Aqalka Sare ee sumadiisu tahay UH 07, taasi oo la xiriirtay in la jabiyey qodob kamid ah habraacyada doorashada.

Guddiga ayaa Musharaxiinta cabashada soo gudbiyey oo qaarkood isaga baxay Magaalada Jowhar ugu baaqay inay dib ugu soo laabtaan deegaan doorashadooda, isla markaana ka qeyb galaan doorashada dhaceysa.

Sidoo kale Guddiga ayaa tilmaamay in kursiga cabashada ka timid doorashadiisa dib loogu dhigay maalinta Axadda, si Musharaxiinta ay u helaan fursad ugu helaan inay ku soo laabtan deegaan doorashadooda.

Musharaxiinta cabashada soo gudbiyay ayaa sheegay in kursigan doorashadiisa uu faragelin toos ah ku hayo Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle, iyaga oo tilmaamay in shaqsi gaar ah lala rabo kursigaasi.

SOMALI NEWS

To Top