WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Mareykanka oo War kasoo saaray khilaafka Farmaajo iyo Rooble

Dowlada Mareykanka ayaa markii ugu horeesay si adag uga hadashay khilaafka xargaha goostay ee xiligan u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraal kasoo baxay dowlada Mareykanka ayaa loogu baaqay Madaxwne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble in si deg deg ah u xaliyaan khilaafka dhaxdooda ayna diirada saaraan qabashada doorashada waqtigeeda dhaaftay.

“Waxaan ku boorinaynaa Madaxweyne Farmaajo  iyo Ra’iisul Wasaare Roble inay si nabad ah ku xalliyaan khilaafka oo ay si buuxda diiradda u saaraan soo afjaridda  Doorashooyinka ,iyadoo aan dib u dhac kale dhicin. Doorashooyinku waxay lagama maarmaan u yihiin amniga, xasilloonida iyo barwaaqada muddada dheer ee Soomaaliya”ayaa lagu yiri qoraalka Mareykanka kasoo baxay.

Khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu guuldareystay in xal buuxa laga gaaro, kadib dadaalo maalmo qaatay oo labada dhinac ka wadeen Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed iyo Mas’uuliyiin kale.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isul Wasaaraha ayaa laga cabsi qabaa in saameyn xoogan ku yeesho Doorashada dalka iyo amaanka, waxaana Farmaajo dhawaan sheegay in awooda uu ka qaaday Ra’isul Wasaaraha oo hormuur u ahaa doorashada iyo amaanka dalka.

SOMALI NEWS

To Top