WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Banaanbaxyo rabshado wata oo ka dhacay Magaalada Laascaanood

Banaanbax rabshado watay ayaa habeenimadii xalay aheyd waxaa uu ka dhacay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, kaasi oo ay dhigeen qaar kamid ah dadka deegaanka oo waddooyinka isugu soo baxay.

Dadka dhigaayay banaanbaxa ka dhacay Laascaanood oo isugu jiray dhalinyaro, haween iyo Odayaal ayaa waxaa ay ahaayeen kuwo careysan amni darro iyo dilal qorsheysan oo muddooyinkii ka dhacayay gudaha Magaaladaas.

Qaar kamid ah dadka banaanbaxa dhigay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin falalka amni darro oo kusoo batay Magaalada, isla markaana Maamulka Gobolka Sool ugu baaqay inay wax ka qabtaan dhibaatada taagan.

Inta uu socday banaanbaxii ka dhacay Magaalada Laascaanood ayaa waxaa dadka qaarkood ay waddooyinka ku gubayeen taayaro waaweyn, waxaana Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland ay rasaas u adeegsadeen kala eryidda dadka.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

SOMALI NEWS

To Top