WARARKA SOOMAALI

Heshiiska Doorashada oo Maanta la saxiixayo iyo Madax ka qeyb galeysa

Xarunta Teendhada Arfisiyooni ee Magaalada Muqdisho waxaa ka socota qaban qaabada munaasabadda lagu saxiixayo heshiiska doorashada oo ay wada gareen Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda Shanta Dowlad Goboleed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb-galaya Mas’uuliyiinta heshiiska doorashada gaaray, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, qaar kamid ah xubnaha Midowga Musharixiinta, Wakiilo ka socda Ururada Bulshada rayidka iyo Beesha Caalamka.

Warar goor hore soo baxayay ayaa sheegay in heshiiska uu qyeb ka yahay in muddo Saddex Bilood gudahood ah lagu qabto doorashada, isla markaana wixii heshiiska kasoo noqda ee fuli waaya ay go’aan ka gaaraan saxiixayaasha heshiiska.

Munaasabadda saxiixa heshiiska doorashada ayaa waxaa la filayaa inay hadal la jeediyaa, Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxweynayaasha Shanta Dowlad Goboleed, qaar kamid ah Wakiilada Xubnaha ka qeyb galaya iyo Madaxweynaha dowladda.

Munaasabadda Maanta lagu saxiixayo heshiiska doorashada ay gaareen Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda Shanta Dowlad Goboleed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaa kasoo horjeestay Siyaasiyiinta kasoo jeedda Gobolada Waqooyi garabka Guddoomiyaha Aqalka Sare, iyaga oo sheegay in aysan la socon heshiiska.

SOMALI NEWS

To Top